Mudane Xildhibaan adoo intaan xasuusan codkaaga bixi!

Dhammaan umadda soomaaliyeed waxa ay indhaha ku hayaan 8-da bisha Febaraayo doorashada madaxtinimo ee maalintaas la asteeyey in ay ka dhacdo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.  Waxaa jira waxyaabo badan oo bulshadu niyada ku hayso ayna jecelyihiin inay noqdaan natiijada dooraashadda.  Waxay shacabku rabaan in la doorto shaqsi u qalma hoggaaminta wadanka oo wadanka dhibta kasoo baxaya badbaadiya oo hoggaan fiican u noqda geediga baadi goobka iyo soo celinta qaranimadeeni meel doog ahna ku fura.

Shacabka aad masuulka ka tihiin ee u badan dhalinyaradu waxay aad ugu han weynyihiin in aad noqotaan kuwo rajadii luntay soo celiya.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa  ay rajo weyn ka qabaan in doorashadani ay wadanka wax badan ka badasho oo ay helaan nolol fiican kuna negaadaan wadankooda, tahriibta iyo ka cararka wadankana ay kaga baaqsadaan.

Sanadkasta badaha caalamka waxa ay noloshooda galaaftaan tiro badan oo dhalinteena ah iyagoo raadinaya nolol iyo meel ay mustaqbal fiican ku sameysan karaan.

Wadamada ay dhalintu u baxsanayaan intooda badan waa wadamo ka kheyraad yar wadankeena laakiin markii wixii ay haysteen ay ka faa’iideysteen nolosha shacabkoodu meel sare gaartay.

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxa ay idin ka rajeynayaan caruurtii ay burburka kusoo koriyeen una so samreen inaad mustaqbalkooda u qeexdaan halka u aadayo iyo hoggaamiyaha aad u doorataan masuuliyadaas.

Waqtigan waxaa muuqata rajo ah in dadku fahmeen wadanku inuu ka badanyahay qofka rajadaas soo celin kara in aad doorataan waa masuuliyadiina.

Waxaa jira musuq-maasuq badan oo idinka laftiinu aad soo sameyseen markaad kursigan kuso baxayseen kharashaad badan baad bixiseen in badan oo idinka idin ka mid ah waxa ay ku fakarayaan wixii ka baxay wax ka badan inay usoo noqdaan.  Taas waxaad uga bixi kartaan idinkoo maqla Taladii Shiikh Shibile ee ahaa laba danbi ha isku darsanina in aad laaluush qaadataan iyo inaad nin xun doorataan.!

Nin xaakima oo deegaan maamulayey ayaa hadda ka hor mar abaari dhacday dadkii deegaanka isugu yeeray waxa uu ka  codsaday qofkasta inuu beri koob caano ah keeno goob uu u asteeyey dadkii meesha isugu yimid qofkasta waxa uu boqorka ka balan qaaday inay ajiibeen codsigiisa ayna keenayaan caanaha.

Dadkii waxa uu qofkasta bilaabay habeenimadii in uu meesha geeyo caanihii laakiin nasiib darro ma jirin cid ka fiirinaysa qofkasta waxa uu keenay.

Markii waqtigii loogu talogalay goobta in wax la geeyo  dhammaaday, boqorkiina uu meeshii yimid alaabtiina la fiiriyey waxaa meeshi lagula kulmay in dad yar ay keeneen caano balantiina kaso baxeen halka inta kale ka faa’iideesteen qarsoodiga oo ay biyo iyo alaab faaruqa geeyeen.

Boqorkii waxa uu u khudbadeeyey dadkii waxa uu ku yiri: “waxa aynu nahay dhamaanteen ul iyo diirkeed waxa aynu waxa ku nahay wadajirka wadajirkuna wuxuu ka bilowdaa kaalinta aad adigu ku jirtid,  adigu hadaad weel madhan keentay yaad ka sugeyseen caanaha inuu keeno”.

Haatan, idinkuna waxaad gasheen balan iyo masuuliyad.  Xildhibaanow yuusan ku haleen midka kale in uu wax badalo codkaaga ayaa xildhibaanow ah kan wax badali kara oo rajada wadanka soo celin kara. Ku xisaabtan codkaaga adiga ayaa ah qofka la sugayo dhib malahan  in lagaa guuleysto adoo cidda adaan masuuliyada ku aamini karto codka siiyey.

U hiili dadka aan hadli karin oo codkaagu ha noqdo mid aadan ka shalaayiin,  Alle keliya ayaa ah cidda aad ka heli karto abaal gud aad ku faraxdo hadaad masuuliyadaas meesheeda dhigto.

Ugu dameen xildhibaanoow dooro qof aad is-leedahay waxa uu leeyahay sifooyinka hogaamiyaha wadanku xiligan u baahanyahay.  Ha dooran qof aan laheen aragti hoggaamineed,  cadaalad iyo wadaniyad.  Wadanku wuxuu u baahanyahay badbaado waxaa jira weeraro meelkasta uga imaanaya oo dano shisheeye u badan.

Wadankeena waa wadan uu caalamku u baahanyahay waxa uu dhacaa meel aduunka xudun u ah waxa uu leeyahay kheyraad ka badan dadkiisa dunida aan wax ka gaarsiin karno. 

Alle waxaan ka rajeen inuu idin waafajiyo abshirta codkiinuna aado qofka ugu kheyrka roon 23-kaas musharax.

Cabdikariim
Qoraago waa Cabdi Kariim Aadan Jaamac

Cabdikariim Aadan Jaamac, waa nin dhalinyaro ah, wuxuu darajada kowaad ee jaamacada ku diyaariyay Civil Engineering, oo uu ka dhigtay jaamacada Alzaeim Al-azhari oo kutaala magaalada Khartuum ee dalka Suudaan, hadda waxa uu rajeynayaa in uu diyaarsho heerka labaad ee darajada jaamacada “Master degree”.

Waxaad kala xiriiri kartaa Email: abdikarimadam@gmail.com

______________________________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

1 Comment

  1. waa talo mihiima o hadi ay intaas xilibaanadu niyada ku hayan ay noo dooran doona madaxweyne wadanka badbaadindoona

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*