Mooshinkii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo oo la tuuray

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdirixmaan. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiistii dib uga laabtay tilaabo ay ku doonayeen in mooshin laga keeno madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdirixmaan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii laga keenay madaxweynaha la tuuray.

“Kulamo wada xaajood dhowr ah oo si gaar ah guddoonku ula yeeshay xildhibaanadan soo jeediyay mooshinka, ayaa iyga oo tixgelinaya xaaladaha uu dalku ku sugan yahay iyo in loo baahanyahay in la abuuro lana xoojiyo jirista xasillooni siyaasadeed si hawlaha culus ee laga doonayo golaha shacabka iyo golaha fulinta si wadajir u fuliyaan, waxay xildhibaanadaan soo jeediyeen in ay gebi ahaanba ka tanaasuleen hindisahooda xilka qaadista madaxweynaha JFS ee ku taariikhaysnayd 9-kii December 2018.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in uu helay 14 xildhibaan kuwaasoo sheegay in magacooda laga been abuurtay oo aysan ku jirin xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa horaantii bishaan guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*