Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo oo burburay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa burburay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xoghaynta baarlamaanka.

Bayaan maanta oo Talaado ah kasoo baxay xafiiska xoghaynta guud ee baarlamaanka ayaa lagu sheegay in 14 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka ay soo gudbiyeen in aysan ku jirin xildhibaanada saxiixay mooshinka, lagana been abuurtay magacyadooda.

Marka 14 kaas laga jaro 92-da waxay noqonayaan 78, sidaas ayuuna mooshinku ku jabayaa marka loo fiirsho dastuurka, sida lagu sheegay bayaanka.

Qaar katirsan xildhibaanada baarlamaanka ayaa Axadii guddoomiyaha baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa keentay khilaaf siyaasadeed kaasoo curyaamiyay shaqada haayadaha dowladda tan iyo asbuucaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*