Mooshin ka dhan ahaa shirkada DP World oo ay soo gudbiyeen qaar katirsan baarlamaanka Puntland oo buray

Guddoonka Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mooshin ay qaar katirsan xildhibaanada Puntland ay ka keeneen shirkada DP World ayaa buray, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in mooshinku uu buray kadib markii uu la kulmi waayay qaabkii looga baahnaa in uu maro.

Dhawaan, qaar katirsan baarlamaanka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ay mooshin ka keeneen shirkada DP World ee maamusha dekada magaalada Boosaaso.

Bishii April 2017-kii, Puntland ayaa heshiis la saxiixatay shirkada DP World si ay u horumariso una maamusho dekada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Heshiiska, DP World ayaa horumarin ku samayn doonta dekada Boosaaso oo ay ku baxayso kharash dhan $330 milyan labo sanno gudahood, sidoo kalena waxay maamuli doontaa dekada muddo 30 sanno ah.

Dabayaaqadii bishii July ee 2017-kii, Baaralamaanka Puntland ayaa ansixiyay heshiiska DP World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*