Militariga Nayjeeriya oo sheegay in uu si xun ugu dhaawacmay hoggaamiyaha kooxda Booko Xaaraam duqayn cirka ah

Abu Bakar Shekhau
Hoggaamiyaha kooxda Booko Xaaraam, Abu Bakar Shekhau.

Abuja-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha kooxda Booko Xaaraam ayaa loo malaynayaa inuu si xun ugu dhaawacmay weerar cirka ah oo ay qaadeen militariga Nayjeeriya kaasoo ka dhacay waqooyiga bari ee dalkaaas, sida ay ku waramayaan warbaahinta oo soo xiganaysa ilo-wareedyo saraakiil sare.

Wararka ayaa sheegaya in tiro dagaalyahano Booko Xaaraam ah lala eegtay duqayn asbuucii lasoo dhaafay ka dhacday kayn kutaala gobolka Borno oo u dhow xadka dalka Kaamiruun.

“Hoggaamiyaha, loogu yeero, Abu Bakar Shiikhow, waxaa loo malaynayaa inuu si xun uga dhaawacmay garbaha,” sidaa ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maanta oo Talaado ah afhayeenka ciidamada Nayjeeriya.

Afhayeenka ciidamada ayaa xaqiijiyay saddex sarkaal oo Booko Xaaraam katirsan in ay geeriyoodeen kuwaasoo kala ah, Abu Bakar Mubi, Malam Nuhu iyo Malam Hamman.

Ma jirto fal celin deg deg ah oo katimid kooxda Booko Xaaraam oo ay uga hadlayaan sheegashada dowlada.

Sida uu sheegay tifaftiraha wararka caalamka ee Puntland Mirror, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Shiikh, weerarka ayaa dhacay Jimcadii lasoo dhaafay iyadoo diyaaradaha duqaynta geystay ay la beegsadeen koox dagaalyahano ah oo Booko Xaaraam katirsan kuwaasoo isugu yimid munaasabad.

Sheegashada ciidamada Nayjeeriya ayaa imaanaysa, iyadoo xoghayaha arrimaha dibada dalka Maraykanka, John Kerry, uu booqasho ku marayo dalka Nayjeeriya, Kerry ayaa la filayaa in wadahadalkiisa dalka Nayjeeriya diirada lagu saari doono dagaalka ka dhanka ah Booko Xaaraam, taasoo la asaasay sanadkii 2009-ka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*