Milatariga Zimbabwe oo gacanta ku dhigay awooda dalka, sheegayna in Madaxweyne Robert Mugabe uu nabad qabo

Ciidamo ilaalo ka haya magaalada Harare maanta oo Arbaco ah. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Harare-(Puntland Mirror) Milatariga Zimbabwe ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen awooda dalka balse waxay sheegeen in Madaxweyne Robert Mugabe oo dalka xukumayay tan iyo 1980, uu nabad qabo.

Kadib markii ay la wareegeen taleefishinka dowladda, afhayeen u hadlay ciidamada ayaa iclaamiyay in ay bartilmaameedsanayaan dad ku dhow Mugabe kuwaasoo lagu eedeeyay tabashooyinka dadweyne iyo mida dhaqaale ee dalkaas ka jirta.

“Waxaanu keliya beegsanaynaa dambiilayaasha ku hareeraysan isaga kuwaasoo dambiyo galay, oo sababay dhibaatada dadweyne iyo mida dhaqaale ee ka jirta dalka,” ayuu yiri afhayeenku.

“Sida ugu dhakhsaha badan waxaanu soo afjaraynaa howlgalkayaga, waxaanu filaynaa in xaaladu ay ku soo noqoto si caadi ah.” Ayuu ku sii daray.

Tilaabada ayaa timid kadib markii Mugabe uu ceyriyay ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa  isaga oo doorbiday xaaskiisa, Grace.

Rasaas culus iyo madaafiic ayaa laga maqlay qaybaha waqooyi ee caasimada Harare subaxnimadii hore ee Arbacada.

Bayaanka uu Janaraalku ka akhriyay TV ayuu ku diiday in uu yahay afgembi. Ma ay jiraan wax hadal ah oo deg deg ah oo kasoo madaxweynaha.

Mugabe oo 93-sanno jir ah, ayaa awooda dalka haystay tan iyo markii ay xornimadooda ka qaateen UK.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*