Milatariga Turkiga oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay ku dileen gudaha Suuriya in ka badan 200 dagaalyahan oo Kurdiyiin ah

diyaaradaha-turkiga
Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.[Sawirka: Reuters]
Istanbul-(Puntland Mirror) Milatariga Turkiga ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqaymo ku garaaceen bartilmaameedyo ay leeyihiin Kurdiyiinta Suuriya oo kuyaala waqooyiga Suuriya ayna ku dileen in ka badan 200 dagaalyahan, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Diyaaradaha ayaa garaacay 17 bartilmaameed oo kuyaala Maarrat Umm Hawsh oo ah gobol kuyaala waqooyiga magaalada Aleppo, sida ay sheegtay wakaalada wararka dowlada ee Anadolu.

Iyada oo soo xiganaysa ciidamada, warbixinta wakaalada ayaa sheegtay in inta u dhaxaysa 160 ilaa iyo 200 dagaalyahan oo ka soo jeeda Kurdiyiinta Suuriya in lagu dilay weeraro dhacay habeenimadii Arbacada.

Hoggaamiyaha xoogaga Kurdiyiinta Suuriya ayaa si kastoo ay ahaataba sheegay in duqaymaha diyaaradaha Turkiga ay ku dhinteen in aan ka badnayn 10 dagaalyahan ilaa iyo hadda.

Turkiga ayaa markii kowaad taangiyadiisu waxa ay ka gudbeen xadka Suuriya bishii lasoo dhaafy ee Agoosto, si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada kooxda ISIS iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Suuriya, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weeraradii ugu dambeeyay argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha magaalooyinka Turkiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*