Milatariga Mareykanka oo xaqiijiyay in saddex qof oo Mareykan ah lagu dilay weerarkii saldhiga Kenya

Sawiro laga soo qaaday goobta weerarka lagu qaaday ayaa muujinaya qiiq weyn oo cirka isku shareeray. [Isha Sawirka: Twitter]
Nairobi-(Puntland Mirror) Saddex Mareykan ah oo mid yahay askari labo kalena tahay qandaraaslayaal ayaa lagu dilay weerarkii ka dhacay saldhiga Lamu ee dalka Kenya Axadii, sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay dhimashada waxaana uu intaas ku daray in labo kale oo u dhashay Mareykanka oo la shaqeynayay Waaxda Difaaca ay ku dhaawacmeen weerarka.

Maleeshiyada Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas ka dhanka ahaa saldhiga ciidamada lagu magacaabo Manda Bay oo kuyaala gobolka Lamu ee dalka Kenya kaasoo ay isticmaali jireen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya.

Warar hoose oo ka yimid ciidamada Kenya oo ay heshay wakaalada wararka AP ayaa sheegaya in labo diyaaradood oo ay kala la haayeen Mareykanka iyo Kenya iyo labo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Mareykanku lahaa iyo sidoo kale baabuur badan oo  Mareykanku lahaa lagu burburshay weerarka.

Milatariga Kenya ayaa sheegay in shan maleeshiyo oo Al-Shabaab ah lagu dilay weerarka. Ma jiraan warar sheegaya in cid Kenyaati ah uu khasaare soo gaaray.

AFRICOM waxay sheegeen in ku dhawaad 150 qof oo shaqaale u dhashay Mareykanka ay ku sugnaayeen saldhiga, halkaasoo ay tababar iyo gacansiinta la dagaalanka argagixisada ay ku siinayeen ciidamo ka socda Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*