Milatariga Mareykanka oo sheegay in shan maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday gobolka Galgaduud

Maleeshiyo oo Al-Shabaab ah. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in shan maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday Soomaaliya, sida ay bayaan maanta oo Axad ah ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Duqeynta ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa laga geystay meel u dhow magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Axadii, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika, iyaga oo intaas ku daray in aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay weerarkaas.

Inkastoo Al-Shabaab ay sii wado qaadida weerarada argagixisada, Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha diyaaradaha ee uu ku bartilmaameedsanayo maleeshiyada ku sugan Soomaaliya.

Axadii, ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa weeraray saldhig Amisom ku leeyihiin magaalada Buulomareer, maleeshiyada ayaa sheegtay in 59 askari ay dileen, balse afhayeen u hadlay Amisom ayaa sheegay in afar askari oo keli ah lagu dilay weerarka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*