Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay 10 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dileen duqeyn loogu jawaabayo weerarkii saldhiga Balidoogle

Duqeyn lala eegtay gaariga Al-Shabaab kadib weerarkii Balidoogle. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay qaadeen weerar duqeyn ah oo loogu jawaabayo weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Balidoogle Isniintii.

Bayaan ka soo baxay AFRICOM habeenimadii xalay ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 10 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah laguna burburiyay gaari.

Ma jirin wax Mareykan ah ama ciidamada Soomaaliya oo waxyeelo ka soo gaartay inta uu socday weerarku, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Isniintii, Al-Shabaab ayaa baabuur qaraxyo ah iyo maleeshiyo hubeysan ku weerartay saldhiga Balidoogle, balse ciidamada ku sugnaa xarunta ayaa iska difaacay weerarkaas la soo qorsheeyay.

Saldhiga Balidoogle, oo kuyaala duleedka caasimada Muqdisho ayaa waxa uu xarun u yahay ciidamada Mareykanka kuwaasoo halkaas tababar ku siiya ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*