Milatariga Mareykanka oo sheegay in afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeymo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in saddex duqeymood oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa Axadii ka dhacay deegaanada Kuunya Barow iyo Caliyow Barow oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, sida taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

Labo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay labo gaarina waa lagu burburiyay labo duqeymood oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barow, halka hal duqeyn oo ka dhacday deegaanka Caliyow Barow lagu dilay labo dagaalyahan oo kale oo Al-Shabaab ah, AFRICOM ayaa intaas ku dartay.

Duqeyntan ayaa timid maalin kadib markii qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho ay ku dhinteen ku dhawaad 80 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*