Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay ku dileen dhowr dagaalyahan oo Al-Shabaab ah duqayn ka dhacday deegaan u dhow Muqdisho

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa duqayn ka geystay gudaha Soomaaliya oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika shalay oo Arbaco ahayd.

Waxay sheegeen in ay dhowr maleeshiyo ah ay ku dileen duqayn ka dhacday deegaan 60 km dhanka waqooyi-galbeed uga beegan caasimada Muqdisho.

Ku dhawaad 400 ciidamo Mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo taageero siiya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM.

Mareykanka ayaa 30 duqaymood ka fuliyay gudaha Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkan 2017, oo ay ku dileen tobonaaan dagaalyahan.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkan ansixiyay balaarinta howlgalada milatari ee gudaha Soomaaliya oo qayb ka ah barnaamijka la dagaalanka argagixisada Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*