Milatariga Mareykanka oo sheegay in 40 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab iyo ISIS ay ku dileen duqaymo ka dhacay Soomaaliya asbuucii hore

Sawirka: Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa duqaymo is xig xiga ka fuliyay gudaha Soomaaliya dabayaaqadii asbuucii lasoo dhaafay, weerarka ayaa ka dhan ahaa maleeshiyada ISIS iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee guadaha Soomaaliya, sida ay sheegeen milatariga Mareykanku.

Duqaymaha ayaa lagu dilay afar dagaalyahan oo katirsan ISIS iyo 36 dagaalyahan oo kale oo katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika.

Duqaynta ISIS ayaa ka dhacday deegaanka Buqa ee gobolka Bari, Puntland, waxayna ahayd markii ugu horeysay oo Mareykanku uu qaado duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Duqaymaha kale oo ka dhanka ahaa Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaano kuyaala koonfurta Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkan ansixiyay balaarinta howlgalada milatari ee gudaha Soomaaliya oo qayb ka ah barnaamijka la dagaalanka argagixisada Afrika.

Milatariga Mareykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd wakaalada wararka AP u sheegay in 26 duqaymood oo cirka ah oo ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya sanadkan oo keliya.

Muddo sannooyin ah, Al-Shabaab ayaa ka dagaalamaysay gudaha Soomaaliya. Labo sanno kahor, qayb kamid ahaa dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa iclaamiyay in ay ku biireen ururka ISIS.

Dagaalyahanada ISIS ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa hadda loo maleynayaa in ay tiradoodu gaareyso ilaa 200, sida lagu sheegay warbixin ay Qaramada Midoobay sii daysay bishaan oo ay qoreen kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*