Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo sagaal askari oo Puntland katirsan ku dishay gudaha buuraha Galgala

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo lagula eegtay gaari ciidan oo Puntland leedahay gudaha buuraha Galgala.[Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ay saarnaayeen askar katirsan Puntland oo marayay gudaha tuulada Galgala ee gobolka Bari, waxaana ku dhintay sagaal askari,  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Sarkaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland, oo magaciisa qariyay ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in sagaal askari ay ku dhinteen markii kolonyo milatari oo ka timid Galgala una socotay magaalo xeebeedka Boosaaso ay miinada wadada dhinaceeda lagu aaso kula qaraxday gudaha buuraha Galgala saakay oo Axad ahayd.

Saddex askari oo kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida uu sheegay sarkaalku.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa maanta oo Axad ah, sida ay ku sheegeen idaacadooda Radio Al-andalus.

Ururka hubaysan ayaa joogay buuraha Galgala ee Puntland tan iyo sanadkii 2010-kii waxayna qaadeen weeraro kan lamid ah intii lagu guda jiray sanadadii lasoo dhaafay.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*