Miinada dhulka lagu aaso oo ugu yaraan todobo qof ku dishay duleedka Muqdisho

Miinada dhulka lagu aaso oo ugu yaraan todobo qof ku dishay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay maanta oo Axad ah kadib markii miinada dhulka lagu aaso ay ku qaraxday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Bumbada ayaa ku qaraxday gaari bas ah oo siday dumar beeralay ah, iyaga oo marayay tuulada Daniga oo 40 km qiyaastii dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Muqdisho.

Gaariga ayaa siday ku dhawaad 10 qof waxaana uu ka tagay magaalada Afgooye, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Meesha qaraxu ka dhacay ayaa ku dhow deegaano ay ku xoooganyihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*