Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay in ka badan $100 milyan oo gargaar biniaadanimo ah

Calanka Midowga Yurub oo suran xaruntooda. [Sawir Hore]
Brussels-(Puntland Mirror) Midowga Yurub ayaa fasaxay lacag dhan €89 milyan oo Yuro ah oo u dhiganta ($105 milyan oo dollar) oo loogu talogalay in lagu bixiyo gargaarka insaanimo ee Soomaaliya, sida maanta oo Arbaco ah ay bayaan ku sheegeen Guddiga Midowga Yurub.

Guddiga ayaa sheegay in dhaqaalaha uu imaanayo iyada oo Shirka Saaxiibada Soomaaliya oo Midowga Yurub martigelisay uu dhici doono asbuuca soo socda.

Midowga Yurub ayaa bayaanka ku sheegay in caawimaadu ay gaari doonto inta badan dadka nugul lana siin doono taageero badbaadineed kuwii ay saameeyeen dhibbaatooyinka cimilada iyo colaadaha gudaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*