Midowga Yurub oo iclaamiyay €100 milyan oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Soomaaliya

Sumada Midowga Yurub.

Brussels-(Puntland Mirror) Midowga Yurub ayaa iclaamiyay €100 milyan oo Yuro ah oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Soomaaliya markii ugu horeysay, sida ay bayaan ku sheegeen maanta oo Khamiis ah.

Bixinta miisaaniyada ayaa bilaabmi doonta bisha Oktoobar ee sanadkan ilaa 2021-da, waxaana taageerada miisaaniyadeed la marin doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqaalahan ayaa kor u qaadi doona tayada Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, sida xaqiijinta iyo hantidhawrka, iyo sidoo kale tilmaamayaasha waxqabadka si loo dhiirigeliyo dib-u-habeyn lagu sameeyo maareynta dhaqaalaha dowladda, talinta sharciga, kalluumeysiga, waxbarashada iyo arrimo kale.

“Ansixinta barnaamijkan taageerada miisaaniyadeed ayaa qeyb ka ah jawaab weyn oo caalami ah oo ku saabsan siyaasadda dib u habeynta wanaagsan iyo fulinta ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Midowga Yurub.

Taageerada miisaaniyadeed ee Midowga Yurub ayaa imaanaysa maalin kadib markii Bangiga Adduunku uu iclaamiyay $80 milyan oo deeq ah oo uu siinayo Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*