Midowga Afrika oo sheegay in Midowga Yurub ay dhaqaale ugu deeqeen Howlgalkooda gudaha Soomaaliya

Ciidamada ka socda Midowga Afrika oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Midowga Afrika ayaa sheegay in $199.6 milyan oo ah taageero maaliyadeed ay ka heleen Midowga Yurub, dhaqaalahaas ayaa loogu deeqay Howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya, iyadoo dalka Soomaaliya uu isku diyaarinayo doorasho bisha soo socota.

Heshiiska ayaa la saxiixay Arbacadii lasoo dhaafay waxaana lacagtaas lagu bixinayaa mudadii u dhaxaysay 1-da Janaayo ilaa iyo 30-ka September, 2016, oo ah dhaqaale loo isticmaalay mushahaarka ciidamada howlgalka iyo booliis, mushahaarka shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo kharashaadka howlgalada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Midowga Yurub ayaa ah dhaqaale bixiyaha ugu weyn ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), horey waxay u baxsheen dhaqaale ku dhow 1.2 bilyan oo lacagta Yuraha ah tan iyo sanadkii 2007, bar kamid ah lacagtaas ayaa ku baxday mushahaar. Tabarucaadii Midowga Yurub ee AMISOM ayaa tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 30% laga jaray sababtoo ah xadayn misaaniyadeed.

“Taageerada dhaqaalahan cusub ayaa imaanaya iyadoo lagu jiro xilli khatar ah, mar ay AMISOM ku mashquulsantahay howlgalo waa-weyn oo lidi ku ah maleeshiyada Al-Shabaab iyo isu diyaarinta doorashooyinka dalka Soomaaliya,” sidaa waxaa bayaan ku yiri Midowga Afrika.

Soomaalida ayaa isku diyaarinaysa in ay doorato madaxweynaha dalka 30-ka bisha Oktoobar ee soo socota.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*