Mid kamid ah hoggaamiyaasha ugu waa-weyn burcadbadeeda Soomaaliya oo ka badbaaday weerar gaadmo ah

Maxamed Garfanje. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Mid kamid ah hoggaamiyaasha ugu waa-weyn ee burcadbadeeda Soomaaliya Maxamed Garfanje ayaa ka badbaaday weerar gaadmo ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo deegaanka ah.

Weerarka ayaa Sabtidii ka dhacay meel u dhow degmo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Saddex kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu dilay weerarka gaadmada ah, wararka ayaa intaas ku daray.

Waxaa la sheegay in Maxamed Gafanje ay ciidamada deegaanka ah ay ka soo badbaadiyeen guri uu ku dhuumanayay weerarka kadib.

Lama oga sababta ka dambaysa weerarka, balse ilo-wareedyada ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay colaad salka ku haysa qabiil.

Bishii Maarso ee sanadkan 2019, Axmed Maxamuud Maxamed oo si weyn loogu yaqaanay Garaad, kaasoo kamid ah raga ugu waa-weyn ee burcadbadeeda Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar jid gooyo ah oo ka dhacay gobolka Mudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*