Maxkamada sare ee ciidamada Puntland oo dil toogasho ah ku riday saddex askari oo dilay askar kale

Dubaha maxkamada. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada sare ee ciidamada dowlada Puntland ayaa Isniintii xukun dil toogasho ah ku riday saddex askari kuwaasoo dilay askar iyo sargaal ciidan.

Labo ayaa horey dil ugu geysatay labo askari oo kale oo katirsanaa ciidamada Puntland, halka mid kale uu dilay taliyihii ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha ee Boosaaso Xasan Shire Amaan, kaasoo la dilay sanadkii 2015, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadu.

Labo askari oo kale ayaa iyana maxkamadu ku xukuntay in ay bixiyaan magta labo qof oo shacb ah oo ay si aan kas ahayn ugu dileen magaalada Boosaaso, saraakiisha maxkamada ayaa intaas ku daray.

Nimankan ayaa horey maxkamada hoose ee ciidamada ay xukuno ugu soo rideen balse waxay ka qaateen rafcaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*