Maxkamada sare ee ciidamada Puntland oo ayiday dilka saddex nin oo katirsan Al-Shabaab iyo Daacish

Saraakiil katirsan maxkamada ciidamada Puntland. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada sare ee ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah dil toogasho ku xukuntay saddex nin oo katirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Saddexda nin ayaa horey maxkamadaha darajada kowaad iyo rafcaanka ee ciidamada ay ugu xukumeen dil toogasho ah, waxaana hadda ku raacday maxkamada sare ee ciidamada.

Maxkamada sare ee ciidamada ayaa sidoo kale xukumo isugu jira sannooyin xarig ah iyo xabsi daa’in ku riday xubno Al-Shabaab iyo Daacish ah.

Sanadihii u dambeeyay, maxkamada ciidamada Puntland ayaa xukumo kala duwan ku riday xubno lagu eedeeyay kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyi Daacish kuwaasoo ku sugan deegaanada buuralayda ah ee kuyaala gobolada Bari iyo Sanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*