Maxkamada ICJ oo labo bilood dib u dhigtay dhageysiga kiiska muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamada ICJ. [Sawir Hore]
Hague-(Puntland Mirror) Maxkamada caalamiga ah ee ICJ ayaa sheegtay in ay muddo labo bilood ah dib u dhigtay dhageysiga kiiska muranka badda ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taasoo qorshuhu ahaa in uu dhaco 9-ka ilaa 13-ka September.

Kenya ayaa asbuucaan waraaq ay u dirtay ICJ ku codsatay in muddo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga maxkamada, iyada oo sheegtay in ay qoran doonto koox cusub oo garsooreyaal ah oo difaaca.

Labada dal ayaa ku andacoonaya in ay leeyihiin meel dhan 150,000 kiilomitir oo labo jibaaran oo kutaala Badweynta Hindiya, oo la sheegay in ay qani ku tahay shidaal iyo kalluun.

Sanadkii 2014, dowladda Soomaaliya ayaa u gudbisay maxkamada ICJ in ay qaado dacwada muranka labada dal.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore isku dayday in kiiska lagu xaliyo wadahadal, balse Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay, iyada oo sheegtay in ay keliya aqbali doonto garsoorka maxkamada ICJ.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*