Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo xabsi daain ku xukuntay nin maleeshiyada ISIS u duubi jiray muuqaalada

Jaamac Xuseen Xasan oo lagu xukumay xabsi daain. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xabsi daain ku xukuntay nin lagu eedeeyay in uu maleeshiyada Daacish u duubi jiray muuqaalada.

Guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Jaamac Xuseen Xasan lagu xukumay xabsi daain.

Ciidamada amniga ayaa bishii lasoo dhaafay ee April soo qabtay eedaysanaha oo miino ku aasayay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka ayaa maxkamada horteeda keenay cadeymo ay kamidyihiin kaamiro ay ku duubanyihiin muuqaalo falal argagixiso, taasoo laga helay guriga ninkan.

Sidoo kale saraakiisha dambi barista ayaa sheegay in ay ogaadeen in Jaamac uu ka qeyb qaatay dagaalo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada ISIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*