Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay labo eedaysane oo loo heystay dilka oday dhaqameed

Eedyasanaaysha loo heysto dilka Suldaan Xeefow Xuseen . [Xigashada Sawirka: Radio Daljir]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah dil toogasho ah ku xukuntay labo eedaysane oo loo heystay in ay dileen oday dhaqameed kamid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxkamada ayaa dil tooasho ku riday Xasan Cali Xasan Keeroow oo 23 jir ah iyo  Cabdirraxmaan Ciise Cali Fiidoow oo 20 jir ah, sida uu ku dhawaaqay Xasan Cabdiraxmaan Aadan oo kamid ah garsoorayaasha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada.

“Maxkamaddu markay aragtay qiraalka eedaysanayaasha kala ah Xasan Cali Xasan Keeroow iyo Cabdiraxmaan Ciise Cali Fiidoow ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyeen in ay ka tirsan yahiin ururka Al-Shabab qaybta fulisa dilalka gaadmada ah isla markaana ay iska soo raaceen labadooda degmada dayniile iyagoo imaaday banaanka masaajid ku yaalo degmada wadajir oo uu nabadoonka ku dukan jiray si ay ugu dilaan halkaas marka la gaaro xiliga salaada, markii uu dilku dhacayna ay kusoo baxeen ciidanka amniga sidaasna lagu qabtay labadoodaba, iyagoo ku hubaysan hubkii ay dilka ku gaysteen oo ah 2 bastoolad iyo hal bambo.” Ayuu yiri garsooruhu.

“Maxkamadda waxaa u caddaatay in C/raxmaan Ciise Cali Fiidoow. Iyo Xasan Cali Xasan Keeroow, ay wada yihiin bambiilayaal galay dembiyada lagu soo oogay waxayna ku wada xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hilowle Xeefoow Xuseen . Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda waxaa u furan Racfaan.” Ayuu ku sii daray.

Suldaan Xeefow Xuseen oo kamid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dilay gudaha Muqdisho bishii November 2016.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*