Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo katirsan Al-Shabaab

Maxkamada ciidamada ayaa xukun toogasho ah ku riday labad xubnood 30-kii May 2019. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Labada xubnood ayaa lagu helay in ay ku lug lahaayeen weeraro qaraxyo ah oo ka dhacay Muqdisho oo uu kamidyahay mid 22-kii bishii December 2018 dhacay oo ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.

Maxkamada ciidamada ayaa xukun toogasho ah ku riday labadan nin 30-kii May 2019.

Horaantii bishii lasoo dhaafay ayaa sidan oo kale maxkamada ciidamada dil toogasho ah ku fulisay saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuwaasoo lagu helay in ay ku lug lahaayeen qaraxyo ka dhacay gudaha Muqdisho.

Toogashada ayaa timid maalin kadib markii Muqdisho lagu aasay duqii magaalada Cabdirixman Cumar Cusmaan Yariisow oo asbuucii lasoo dhaafay ku dhintay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kadib markii halkaas loo geeyay dhaawac culus oo kasoo gaaray weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xafiiskiisa 24-kii July oo ay masuuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*