Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland oo xukuno ku riday 54 xubnood oo maxaabiis Al-Shabaab ah

Maxaabiistii Al-Shabaab oo lagu soo qabtay dagaaladii ay la galeen ciidamada Puntland. Sawirka: Puntland Mirror.

Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Puntland ayaa maanta oo Talaado ah 28 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku riday xukun xabsi oo u dhaxeeya 15 ilaa 20-sanno, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada.

Isaga oo la hadlayay saxaafada Garoowe, xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland, Cabdikariim Xasan Firdhiye ayaa sheegay in xubnaha la xukumay ay da’adoodu ka sarayso 15-sanno.

Firdhiye ayaa xusay in 26 xubnood oo kale oo Al-Shabaab ah la dhaqan celin doono kuwaasoo da’adoodu tahay 10 ilaa iyo 15-sanno.

Xubnaha la xukumay ayaa qayb ka ahaa 97 xubnood oo Al-Shabaab ahaa oo la qabtay intii uu socday dagaalkii dhiiga badan ku daatay oo dhexmaray ciidamada dowlada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolada Mudug iyo Nugaal bishii lasoo dhaafay ee Maarso.

Bishii lasoo dhaafay ee Juun, maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 43 xubnood oo Al-Shabaab ah, kuwaasoo da’adoodu ka sarayso 18-sanno.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*