Maxkamada ciidamada Puntland oo labo xubnood oo Al-Shabaab ah ku xukuntay dil toogasho ah

Xubnaha Al-Shabaabka ah ee la xukumay [Sawirka: Puntlandi]
Xubnaha Al-Shabaabka ah ee la xukumay [Sawirka: Puntlandi]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah labo xubnood oo Al-Shabaab ah ku xukuntay dil toogasho.

Isaga oo saxaafada kula hadlayay magaalada Boosaaso, guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa iclaamiyay xukunka kama dambaysta ah ee maxkamada.

Sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada labada xubnood oo magacyadooda la dhaho Axmed Aadan Cabdullaahi iyo Cabdullaahi Maxamed Aadan ayaa lagu helay in ay ahaayeen saraakiil sare oo Al-Shabaab ah waxaana lagu xukumay toogasho.

Maxkamada ayaa sidoo kale ku xukuntay xabsi daa’in labo xubnood oo Al-Shabaab ah, halka nin kalena lagu xukumay 20-sanno oo xabsi ah.

Bishii lasoo dhaafay ee June, maxkamada ciidamada Puntland ayaa 43 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku xukuntay dil toogasho kadib markii maxkamada ku heshay in ay ahaayeen dagaalyahano Al-Shabaab ah kuwaasoo ka qeybqaatay dagaalkii dhimashada lahaa ee ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab dhexmaray bishii Maarso ee 2016-ka.

Xasuusin: labada xubnood ee dilka lagu xukumay ayaa kamid ahaa kooxda Al-Shabaab, balse waxay doonayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish (ISIS) oo uu hoggaamiyo Cabdiqaadir Muumin oo ahaan jirey taliye hore oo Al-Shabaab ah, sida ay maxkamadu sheegtay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*