Maxkamada ciidamada Puntland oo dil toogasho ku xukuntay askari u goostay Somaliland

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Siciid Abyan Cigaal oo ku dhawaaqaya xukunka ka dhanka ah askariga. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari maqan oo u goostay Somaliland, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada Siciid Abyan Cigaal maanta oo Talaado ah.

Guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa sheegay in askarigu uu yahay dambiile, kaasoo khiyaanay wadankiisa, lana toogan doono marka la qabto.

Maxamed Maxamuud Guure, oo ahaa askari hore oo katirsan Puntland oo wata gaari ciidan ayaa u goostay Somaliland bishii lasoo dhaafay ee Maarso isaga oo ka gudbay tuulada Tukaraq, halkaas oo ciidamo aad u hubeysan oo ka kala socda labada maamul ay sadhigyo ka sameysteen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*