Maxkamada ciidamada Puntland oo dil ku xukuntay saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab iyo ISIS

Xubno katirsan Al-Shabaab oo la xukumay. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday saddex xubnood oo katirsan ururada argagixisada sida Al-Shabaab iyo ISIS.

Labo kamid ah xubnaha la xukumay ayaa katirsan ururka Al-Shabaab halka midka kale uu katirsanyahay ISIS, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Puntland.

Sidoo kale maxkamada ciidamada Puntland ayaa saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku xukuntay xabsi daa’in.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*