Maxkamada ciidamada Jubbaland oo toogasho ah ku fulisay saddex askari oo lagu eedeeyay dilal

Maxkamada ciidamada Jubbaland oo toogasho ah ku fulisay saddex askari oo lagu eedeeyay dilal. [Xigashada Sawirka: Jubbland TV]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Jimce ah dil toogasho ah ku fulisay saddex askari, sida uu sheegay sargaal katirsan maxkamada.

Askarta la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay geysteen fal dambiyeed dil ah oo ka dhan ahaa dad shacab ah. Waxaana kamid ah nin xaaskiisa dilay, sida uu sheegay Bashiir Maxamuud Xareed, oo ah guddoomiyaha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Jubbaland.

Saddexda askari ayaa si wadajir ah loogu toogtay garoonkii hore ee diyaaradaha ee Akadeemi, oo dhanka waqooyiga ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*