Maxkamada ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya oo toogasho ku xukuntay ninkii dilay taliyihii nabadsugida gobolka Shabeelada Dhexe

Yuusuf Xasan oo ah ninka lagu xukumay dilka toogashada.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah u fadhiisatay dacwada loo heystay eedaysanayaal uu ku jiro ninkii dilay taliyihii nabadsugida gobolka Shabeelada Dhexe.

Maxkamada ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Yuusuf Xasan (Yuusuf Madoobe) oo lagu helay inuu gacantiisa ku toogtay taliyihii nabadsugida gobolka Shabeelada Dhexe.

Taliyihii nabadsugida gobolka Shabeelada Dhexe, Cabdiweli Ibraahim Maxamed ayaa Talaadadii waxaa toogasho ku dilay mid kamid ah wardiyaashiisii gudaha magaalada Jowhar.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, afhayeenka howlgalada al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen dilka taliyaha.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*