Maxkamad Masar ah oo tuurtay xukunka toogashada ah ee madaxweynihii hore awooda laga tuuray Maxamed Mursi

Madaxweynihii awooda laga tuuray ee dalka Masar Maxamed Mursi oo wali xabsi ku jira. [Sawirka: AFP]
Qaahiro-(Puntland Mirror) Maxkamad sare oo Masar ah ayaa tuurtay maanta oo Talaado ah xukunka dilka ah ee ka dhanka ah madaxweynihii awooda laga tuuray ee kooxda Akhwaanul Muslimiinta Maxamed Mursi.

Mursi ayaa dil toogasho ah lagu xukumay bishii June ee sanadkii 2015-ka, iyada oo lala xiriiriyay dad badan oo la diley markii ay socdeen kacdoomadii dalka Masar ee sanadkii 2011-ka.

Madaxweynihii ugu horeeyay Masar oo si dimuqraadi ah loo doortay, Mursi ayaa waxaa awooda ka tuuray bartamihii 2013-ka Janaraalka isku badalay madaxweynaha ee Cabdilfataax al-Sisis, kadib bilo ay socdeen banaanbaxyo looga soo horjeeday xukunka Mursi.

Mursi oo xabsiga la dhigay kadib markii xukunka laga tuuray, ayaa muddo xabsiga ku qaatay kadib markii lagu eedeeyay dambiyo kale oo ay kamidyihiin jaajuusnimo qaran. Xukunka maanta oo Talaado ah ay gaartay maxkamada ayaa ka dhigan in uusan mar dambe wajihi doonin xukumo toogasho ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*