Maxkamad Masaari ah oo markale xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Mursi

Maxkamad Masaari ah ayaa xukun daa’in ku riday markale Madaxweynihii hore ee Dalka Masar, Maxamed Mursi maanta oo Sabti ah.

Maxkamada ayaa ku heshay Mursi eedaymo ah inuu dalka Qatar siiyay macluumaad sir ah, laakiin waxaa lagu xukumay isaga inuu hoggaaminayay urur aan sharci ahayn.

Madaxweynihii hore oo xilka laga tuuray ayaa horey loogu xukumay dil toogasho ah saddex jeer oo kala duwan.

Qatar ayaa ahayd taageerada ugu weyn ee Mursi, xukuumada Qaahira ayaa ku eedaysay dowlada Dooxa in ay taageero siiso kooxdii Mursi oo ay xukuumada Masar oo hadda jirta mamnuucday ee dhaqdhaqaaqa Walaalaha Muslimiinta.

Mursi ayaa ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay Masar oo si xor ah loo doortay, wuxuuna xilka hayay sanad wax ku dhow kadib markii ciidanka militariga uu xabsiga dhigay bartamihii bishii Juulay, 2013.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*