Maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayay xabsiyo kuyaala Iran oo yimid magaalada Boosaaso

Maxaabiista oo saaran gaari garoonka looga soo qaaday. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]
Boosaaso-(Puntland Mirror) In ka badan 20 maxaabiis Soomaali ah oo laga sii daayay xabsiyo kuyaala dalka Iran ayaa maanta oo Isniin ah yimid magaalada Boosaaso, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowladda.

Masuuliyiin katirsan dowladda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiista ay ku xirnaayeen muddo shan sanno ah xabsiyo kuyaala Iran, iyaga oo loo heystay dembiyo kala duwan oo ay ku jirto burcadbadeednimo.

Masuuliyiinta ayaa dowladda federaalka Soomaaliya uga mahadceshay kaalinta ay ka qaadatay sii deynta maxaabiistaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*