Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid doorashada duqa degmada Garoowe?

Baraxada Garoowe, fagaare caan ah oo kuyaala bartmaha magaalada. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Doorashada duqa degmada Garoowe oo qorshuhu ahaa in la qabto horaanta asbuucaan ayaa dib u dhacday, sid ay sheegeen ilo-wareedyo.

Dib u dhaca ayaa timid kadib khilaaf weli ka taagan qaar katirsan xubnaha golaha deegaanka, sida ilo-wareed ka ag-dhow doorashada, oo codsaday in magaciisa la qariyo, uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

“Waxaa jira weli muran la isku heysto oo ka dhex jira xulista qaar katirsan xubnaha golaha deegaanka,” ilo-wareedka ayaa sidaas sheegay.

Lama sameyn wakhti sax ah oo la qabanayo doorashada.

Qeybta dumarka

Inta badan xubnaha cusub ee golaha deegaanka ee lasoo xulay ayaa ah rag, sida uu ogaaday warsidaha Puntland Mirror.

Ku dhawaad 20 xildhibaan oo ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ayaa rag ah.

Golaha deegaanka ee degmada Garoowe iyo magaalooyinka waa-weyn ee Puntland ayaa ka kooban 27 xubnood, sida uu sheegayo xeerka golayaasha dowladda hoose, ee loo yaqaan “Law No. 7”.

Waxaa jira talo-soojeedino sheegaya in xubnaha cusub ee dhiman lagu soo daro xubno haween ah.

Tartamayaasha duqa degmada

Labada musharax ee hadda u tartamaya duqa degmada Garoowe waa Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

Halkaan ka akhriso warbixin kooban oo ku saabsan musharixiinta: http://puntlandmirror.net/doorashada-duqa-garoowe-maxay-yihiin-musharixiinta-tartamaya/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*