Masuuliyiinta magaalooyinka Minneapolis iyo Boosaaso oo kala saxiixday heshiiska mataanaynta labada magaalo

Mataanayn
Duqa magaalada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo duqa Minneapolis Betsy Hodges ayaa si rasmiya qalinka ugu duugay heshiiska mataanaynta. Sawirka: Hiiraan Online.

Minneapolis-(Puntland Mirror) Masuuliyiinta magaalooyinka Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya iyo Minneapolis oo kutaala dalka Maraykanka ayaa kala saxiixday heshiiska mataanaynta labada magaalo.

Duqa magaalada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud iyo duqa Minneapolis Betsy Hodges ayaa si rasmiya qalinka ugu duugay heshiiska mataanaynta oo shalay oo Jimce ahayd ka dhacay magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Heshiiskan mataanaynta ah ayaa labada magaalo waxay iska kaashanayaan dhanka horumarka iyo arrimo kale oo badan oo dan u ah labada magaalo.

Boosaaso ayaa dhawaan heshay faa’iidadii kowaad ee mataanaynta kadib markii ay Minneapolis ugu deeqday qalab uu kamid ahaa baabuurka dab demiska.

Minneapolis ayaa ah magaalada ugu badan oo ay ku noolyihiin dadka Soomaalida ee Maraykanka jooga, taasaana keentay in Boosaaso iyo magaaladaas la mataaneeyo.

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2014-ka ayay ahayd markii si rasmiya loo mataaneeyay magaalooyinka Boosaaso iyo Minneapolis.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*