Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo garoonka Nairobi loogu diiday dal ku galka

Garoonka diyaaradaha ee Komo Kenyatta. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Saddex masuul oo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loo diiday dal ku galka garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Masuuliyiinta ayaa qeyb ka ahaa wefdi dowladda federaalka Soomaaliya katirsan oo qorshuhu ahaa in ay ka qeyb galaan shir ay Midowga Yurub ku qaban lahaayeen Nairobi.

Masuuliyiinta loo diiday dal ku galka ayaa ah wasiirka biyaha iyo tamarta Cusmaan Libaax iyo labo xildhibaan oo kala ah Ilyaas Cali Xasan iyo Samsam Daahir.

Saddexda masuul ayaa la sheegay in ay haystaan baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Saraakiisha garoonka Jomo Kenyatta ayaa masuuliyiinta Soomaalida u sheegay in ay dal ku galka ka soo qaataan safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho ka hor inta aysan imaan Kenya.

Sida wararku ay intaas ku darayaan masuuliyiinta katirsan wefdiga Soomaalida oo watay baasabooro ajnabi ah ayaa loo ogolaaday.

Markii hore, marka loo eego heshiiska labada dal, baasaboorada diblomaasiga ah dadka wata ayaa dal ku galka lagu siin jiray garoomada.

“Haayadaha garoomada ee Kenya waxaa lagu wargeliyay in sida qorshahaan oo kale la badalay, haddana qof walba in uu dal ku galka ka soo qaato safaaradda Kenya ee kutaala Muqdisho,” masuul katirsan Soomaalida, balse ku safrayay baasaboor ajnabi ah, ayaa sidaa u sheegay wargeyska Daily Nation.

Tani waxay imaanaysaa asbuuc kadib markii Kenya ay duulimaadyadii tooska ahaa ee u dhaxeeyay Muqdisho iyo Nairobi amartay in ay soo maraan deegaanka Wajeer si halkaas loogu soo baaro kahor inta aysan soo gaarin garoomada kale ee Kenya, taasoo jabinaysa heshiis ay labo sanno kahor wada galeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*