Mashruuc waddooyin dhisid ah oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka oo laga bilaabay Garoowe

Madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa dhagax dhigaya dhismaha mashruuca, April 2, 2019. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mashruuc waddooyin dhisid ah ayaa maanta oo Talaado ah laga bilaabay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa dhagax dhigay dhismaha mashruuca kaasoo ka kooban afar waddo oo laami ah.

Waddooyinka ayaa kala ah Janaraal Nuursalaad, Shiikh Cabdisalaan, Sagal iyo mid isku xirta magaalada iyo xeryaha dadka barakacaayaasha ah oo kuyaala duleedka magaalada.

Shirkad Turki ah oo la dhaho TTN ayaa fulin doonta dhismaha, waxaana maalgeliyay Bangiga Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*