Markabka saliida qaada oo ay sii daayeen burcadbadeeda Soomaalida oo tagay dekada Boosaaso

Markabka saliida qaada oo ay sii daayeen burcadbadeeda Soomaalida oo tagay dekada Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Markabka saliida qaada oo ay sii daayeen burcadbadeeda Soomaalida oo tagay dekada Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Markabkii saliida waday, oo magaciisa la dhaho Aris 13 oo ay saarnaayeen sideed shaqaale ah oo u dhashay wadanka Sri Lanka, ayaa tagay dekada magaalada Boosaaso ee Puntland kadib muddo shan beri ah oo uu afduub ahaan ugu jirey gacanta baurcadbadeeda Soomaalida, sida sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland uu Puntland Mirror u xaqiijiyay.

Mowliid Xasan, oo ah sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa warsidaha Puntland Mirror khadka taleefoonka ugu sheegay in markabka iyo shaqaalaha saaran ay soo gaareen dekada Boosaaso shalay oo Jimce ahayd.

Dhammaan shaqaalaha ayaa ku sugan xaalad caafimaad oo wanaagsan, sida sarkaalku sheegay.

Puntland ayaa munaasabad sagootin ah u qaban doonta shaqaalaha saaran markabka, sida qorshuhu yahay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cumar Camay ayaa la filayaa in uu u safro magaalo xeebeedka Boosaaso si uu goobjoog uga noqdo munaasabada sagootinta ee shaqaalaha markabka, sida ilo-wareedyo dowladda katirsan u sheegeen Puntland Mirror.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa gelinkii dambe ee Khamiista sii daayay markabka saliida qaada kadib markii ay afduubteen asbuucii lasoo dhaafay, waxa uu siday shidaal uu ka keenay Jabuuti waxaana uu u socday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay ku afduubteen burcadbadeedu biyaha Badweynta Hindiya asbuucii lasoo dhaafay.

Sii daynta ayaa timid kadib wadaxaajood dhexmartay odayaasha dhaqanka iyo wakiilo katirsan burcadbadeeda, kuwaasoo Isniintii lasoo dhaafay qabsaday markabka saliida qaada, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warbaahinta.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*