Markab sida xoolo dhan 3990 oo u dhoofay dalka Imaaraatka Carabta

Xoolaha ka dhoofay dekada Boosaaso. [Isha Sawirka: Facebook]
BoosaasoGaroowe-(Puntland Mirror) Markab sida xoolo dhan 3990 ido iyo riyo ah ayaa xalay ka baxay dekada Boosaaso waxaana uu aaday dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, sida wasaaradda dekadaha Puntland ay ku sheegtay bayaan ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

Xoolo dhoofkan ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo markii dhawaan ay Imaaraatka Carabta xayiraada ka qaadeen xoolaha Puntland kadib kulan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu la yeeshay masuuliyiinta dalkaas.

Wadamada Khaliijka ayaa horey u xayiray xoolaha Soomaaliya iyaga oo ku edeeyay xanuunka Rift Valley.

Xoolaha ayaa kamid ah laf dhabarta dhaqaalaha ay ku tiirsantahay Puntland oo ah dowlad goboleed kutaala waqooyi Bari Soomaaliya taasoo nabadgelyo ku naaloonaysa 21-sanno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*