Markab kalluumaysi sharci daro ah oo ugu yaraan labo kalluumaysato Soomaali ah ku dilay xeebaha Jubbaland

Le dimanche 3 mai, en plein océan indien, le
Kallun dhan malaayiin dollar ayaa sanad walba laga xadaa baddaha Soomaaliya.

Kismaayo-(Puntand Mirror) Ugu yaraan labo kamid ah kaluumaysato Soomaaliyeed ayaa lagu dilay sagaal kalena waa lagu dhaawacay jasiirada Jawasa-xasani ee Jubbaland kadib markii Markab kaluumaysi sharci daro ah uu rasaas huwiyay kaluumaysatada Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa saxaafada u sheegay in markabka oo ay saarnaayeen kooxo hubaysan ay xabad huwiyeen kaluumaysatada.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa sheegay in sagaal doonyood oo ay lahaayeen kaluumaysatuda ay burburiyeen dablayda markabka saarnaa.

Tani waa dhacdadii kowaad oo Markab kaluumaysi sharci daro ah uu ku dilo kaluumaysato oo ka dhacda xeebaha koonfurta Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku jira maraakiib kalluumaysi oo sharci daro oo laga leeyahay caalamka, kuwaasoo ka faa’idaystay dowlada la’aanta Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*