Markab iska difaacay weerar ay burcadbadeed ku qaadeen xeebaha Soomaaliya

Burcadbadeed Soomaaliya. [Sawir Hore]
Nairobi-(Puntland Mirror) Ilaalo ammaanka ah oo saarnaa markab xamuulka qaada oo ku gooshayay calanka Hong Kong ayaa iska difaacay weerar ay ku qaadeen burcadbadeed oo ka dhacay xeebta Soomaaliya asbuucaan, sida ay Jimcadii sheegeen ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku sugan gobolka.

Wuxuu ahaa isku-daygii labaad oo burcadbadeeda Soomaaliya ku damcaan in ay ku qabsadaan markab ganacsi sanadkan gudihiisa.

Talaadadii, burcadabadeeda ayaa weerar ku qaaday rasaasna ku furay markabka ku gooshayay calanka Hong Kong ee la dhaho MV KSL freighter kaasoo marayay meel u dhow xeebta Soomaaliya, balse ilaalada khaaska ah ee markabka saarnaa ayaa si dhaqso ah uga jawaabay si ay u fashiliyaan weerarka, ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVOR ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

Weerarkii ugu dambeeyay ee xeebta Soomaaliya waxa uu ahaa bishii Febaraayo markaas oo ilaalo saarnaa markab ku gooshayay calanka Singapore uu iska difaacay weerar burcadbadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*