Mareykanka oo u ugu yeeray Yuhuuda in ay hakiyaan deegaameysiga Daanta Galbeed

Mareykanka oo u ugu yeeray Yuhuuda in ay hakiyaan deegaameysiga Daanta Galbeed. [Sawirka: Archive]
Mareykanka oo u ugu yeeray Yuhuuda in ay hakiyaan deegaameysiga Daanta Galbeed. [Sawirka: Archive]
Washington-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka codsaday Yuhuuda in ay joojiyaan dhismaha deegaameysiga cusub, iyaga oo sheegay in dhismayaasha cusub ee ay Yuhuudu ka wadaan Daanta Galbeed ay waxyeeli doonto dadaalada nabada ee lagu dhexdhexaadinayo Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

“Haddii aynaan aaminsanayn jiritaanka deegaamesysiga waa arrin caqabad ku ah nabada, dhismaha deegaameysiga cusub ama is-balaarinta ka jirta duleedka xuduudooda maahan mid suurtagal ka dhigaysa in la gaaro yoolka,” Sidaa waxaa bayaan ku yiri afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer.

Sean Spicer ayaa carabka ku adkeeyay in Madaxweyne Donald Trump uusan si rasmi ah go’aan uga qaadan deegaameysiga Israa’iil ee dhismaha cusub ayna u muuqato in arrintaas uu kala hadli doono Raysulwasaaraha Yuhuuda Benjamin Netanyahu marka uu booqasho ku yimaado  Aqalka Cad 15-ka bishaan Febaraayo, sida la qorsheeyay.

Maamulka Yuhuuda ayaa Talaadadii ansixiyay dhismaha 3,000 oo unugyo cusub ah oo laga dhisayo Daanta Galbeed kadib markii todobaadkii lasoo dhaafay ay ansixiyeen 3,066 oo guryo cusub ah oo ay Yuhuudu ka dhisto bariga Qudus iyi Daanta Gaalbeed.

Xeerka Caalamiga ah ayaa u arka bariga Qudus iyi Daanta Gaalbeed “dhul ay qabsadeen” Yuhuudu, taasoo sharci daro ka dhigaysa dhammaan howlaha deegaamaysiga Yuhuuda oo ay halkaas ka wado.

Qiyaastii 500,000 oo Yuhuud ah ayaa hadda kunool in ka badan deegaameysi keliya oo laga dhisay Daanta Galbeed ee Falastiin iyo bariga Qudus tan iyo sanadkii 1967-dii.

Falastiiniyiinta ayaa doonaya in deegaanadaas ku teedsan Marinka Qasa laga asaaso dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin mustaqbalka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*