Mareykanka oo sheegay in uu duqayn ku dilay in ka badan 100 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay weerar duqayn ah ku dileen in ka badan 100 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay in duqayntu shalay oo Talaado ahayd ay ka dhacday deegaan dhanka waqooyi-galbeed 210 km uga beegan caasimada Muqdisho.

Duqaynta ayaa dhacday iyadoo lala kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, sida Mareykanku sheegay.

Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa shalay oo Talaado ahayd ku warantay in ku dhawaad 100 maleeshiyo oo Al-Shabaab katirsan la dilay kadib markii diyaaradaha Mareykanka iyo ciidamada kumaandooska Soomaaliya ay weerareen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Buur Eelaay ee gobolka Baay.

Afhayeenka howlgalada ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in warkaas uu yahay dacaayad keliya.

Bilihii u dambeeyay, Mareykanka ayaa kordhiyay weeraradiisa duqaynta ah ee ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ku dhintay tobonaan dagaalyahan oo ay ku jiraan saraakiil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*