Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen sargaal sare oo Al-Shabaab ah oo gacan ka geystay weerarkii saldhiga Manda Bay

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeyn Mareykanku uu ka fuliyay gudaha Soomaaliya ayaa lagu dilay sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab kaasoo gacan ka geystay weerarkii bishii hore ee saldhiga Mareykanka ee Kenya, sida ay sheegeen milatariga Mareykanku Talaadadii.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in duqeynta oo dhacday Sabtidii lagu dilay xubin sare oo katirsan Al-Shabaab kaasoo masuul ka ahaa qorsheynta iyo hagida howlgalada maleeshiyada ee gobolka xadka ee Kenya, uuna kamid yahay weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhiga Manda Bay.

Xaaskiisii ayaa sidoo kale lagu dilay duqeynta, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM.

Weerarkii saldhiga Manda Bay ayaa dhacay 5-tii Janaayo, waxaana lagu dilay saddex qof uu dhashay Mareykanka, oo mid uu ahaa askari halka labada kale ay ahaayeen qandaraaslayaal.

Weerarkaas kadib, milatariga Mareykanka ayaa ciidamo dheeri ah geeyay Kenya, oo xuduud la leh Soomaaliya.

AFRICOM ayaa 63 duqeymood ka fulisay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay oo ay ku bartilmaameedsanayso maleeshiyada Al-Shabaab. Sanadkan waxay ilaa iyo hadda qaadeen 18 weerar oo dhanka cirka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*