Mareykanka oo sheegay in 24 maleeshiyo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay 24 maleeshiyo oo Al-Shabaab ah ay ku dileen duqeyn ka dhacday gudaha Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in duqeyntu ay Arbacadii ka dhacday meel u dhow saldhig ay maleeshiyadu ku leeyihiin deegaanka Shaabeelay ee gobolka Hiiraan.

Mareykanka ayaa ku dhawaad 50 duqeymood oo ka dhan ahaa Al-Shabaab ka geystay gudaha Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay.

AFRICOM ayaa bayaan ku sheegtay in duqeymaha ujeedadoodu tahay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya si ay u kordhiyaan cadaadiska ay ku hayaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee gobolka, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*