Mareykanka oo qaaday duqeyn labaad oo ka dhan ah kooxda ISIS ee ku sugan Puntland

Maleeshiyada ISIS ku sugan Puntland, Soomaaliya. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday maleeshiyada ISIS ku sugan gobolka Bari, sida uu sheegay sargaal ammaanka katirsan.

Sargaal katirsan ciidamada ammaanka Puntland, ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in duqeyntu ay ka dhacday meel u dhow magaalo xeebeedka Qandala maanta oo Isniin ah.

Sargaalka ayaa intaas ku daray in uusan cadeyn karin haddii ay jiraan khasaare.

Weerarka ayaa ah kii labaad oo Mareykanku ku qaado maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland. Bishii November ee sanadkii 2017, milatariga Mareykanka ayaa qaaday duqeyntiisii kowaad oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland, waxaana lagu dilay hal dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*