Mareykanka oo markale duqeymo ku beegsaday Al-Shabaab gudaha gobolka Mudug

Maleeshiyada Al-Shabaab.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Todobo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Talaadadii ka dhacday deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Africa.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa intaas ku daray in dad shacab ah aysan wax dhibbaato ah kasoo gaarin weerarka.

Kani waa weerarkii labaad oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhaca gobolka Mudug intii lagu guda jiray asbuucaan.

Mareykanka ayaa sheegay in ay 37 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab ku dileen duqeymo Isniintii ka dhacay gobolka Mudug.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya tan iyo horaantii sanadkii 2017-kii, balse maleeshiyada ayaa weli ku harsan dhanka koonfureed ee dalka, sidoo kale waxay gudaha caasimada Muqdisho ka fulisaa weeraro dhimasho leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*