Mareykanka oo liiska argagixisada adduunka ku daray hoggaamiye ku xigeenka maleeshiyada Al-Shabaab

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa liiska argagixisada adduunka ku daray hoggaamiye ku xigeenka maleeshiyada Al-Shabaab.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanka shalay oo Jimce ahayd ayaa lagu sheegay in Abuukar Cali Aadan la xayiray dhammaan hantidiisa, waxaana laga mamnuucay muwaadiniinta Mareykanka in ay wax xiriir ah la sameeyaan isaga.

Abuukar Cali Aadan oo ah nin aan aad loo aqoon ayaa Mareykanku ku eedeeyay in uu abaabulay weeraro argagixiso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*