Mareykanka oo ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo xoojin lahaa isa soo dhiibida Al-Shabaab

Mareykanka oo ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo xoojin lahaa isa soo dhiibida Al-Shabaab [Sawirka: World Atlas]
Garoowe-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa maanta oo Arbaco ah ammaanay dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fududeynayso isa soo dhiibida xubnaha Al-Shabaab katirsanaan jiray.

“Mareykanku wuxuu taageersanyahay hannaanka ay hoggaaminayso Soomaaliya ee ah in sharafta looga rido Al-Shabaab iyada oo la adeegsanayo hab dhamaystiran, oo ay ka mid tahay marxalado heer sare ah oo isa soo dhiibid ah, dib-u-heshiisiin, iyo hagaajinta maamulka iyo adeegga,” sidaa ayaa Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ku sheegeen bayaan.

“Mareykanku wuxuu ku dhiirri-galinayaa xukuumadda Soomaaliya in ay sii wado abuurista waddooyinka xubnaha al-Shabaab si ay u diidaan argagaxisada ayna ku biiraan dadaallada lagu dhisayo dal nabad ah oo barwaaqo leh dhammaan dadka Soomaaliyeed.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Ammaanta Mareykanka ayaa timid maaalin kadib markii hoggaamiye ku xigeenki hore ee Al-Shabaab Mukhtaar Roobow oo loo yaqaan Abu Mansuur uu iclaamiyay in uu goaan ku gaaray in uu ka baxay kooxdiisii hore.

Dabayaaqadii bishii June ee sanadkan, Mareykanka ayaa Mukhtaar Roobow ka saaray liiskiisa dadka argagixisada adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*